R/wasaare Saacid Oo Kala Diray Maamulka Caabudwaaq Maamul Cusubna Usoo Magacaabaya.

0

IMG_2668Caabudwaaq (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegayaan in R/wasaaraha xukuumada Federalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu habeenkii xalay ahaa isugu yeeray maamulayaashii degmada Caabudwaaq ee gobalka Galguduud isaga oo kulan waqti badan qaatay oo uu lagalay kadib u sheegay in wixii xilligaan ka danbeeya aysan aheyn maamulka degmadaasi.

Saacid ayaa hadalkaan u jeediyay maamulayaashii isaga oo balan qaadayna in lasoo dhisayo maamul cadaalad ku samelysan oo dowlada Soomaaliya ay wax ka ogtahay kaas oo si kumeel gaar ah uga shaqeyn doona degmadaasi inta laga gaaro maamaul shacabku doortaan oo halkaasi laga hir geliyo.

Wararka hor dhaca ah ayaa waxa ay sheegayaan in maamulayaashii degmada Caabudwaaq ay soo dhaweeyeen hadalka R/wasaaraha kasoo yeeray iyaga oo sugaya soo magacaabida maamulka lagu balamiyay ee xukuumadu hormuudka ka tahay.

Amarka uu dul dhigay R/wasaaruhu maamulayaasha degmada uu kasoo jeedo ayaa waxaa dad badani u arkaan mid wax dhisi karta maadaama horay dowlada Soomaaliya ay maamulkii uga bedeshay gobalka Baay iyo degmada Baydhabo arintaasina labalan qaaday in gobalada dhan lagaarsiin doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com