Wasiirro Ka Tirsan Maamul Gobolleedka Puntland Oo La Weeraray.

0

qardhoQardho (AGGM): Wararka laga hellayo gobolka Karkaar ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in wasiirro ka tirsan maamulka Puntland jid u galeen kooxo hubeysan islamarkaana halkaa ku weerareen.

Wasiirrada la weeraray ayaa hoogaaminayay Wasiirka Ganacsiga ee Maamulkaasi Dr Cabdullaahi Axmed ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen rag hubeysan oo wadada u galay gadiidkii ay la socdeen wasiirrada.

Wararku waxaa ay sheegayaan in weerarkaas uu ku geeriyooda hal ruux mid kalana uu dhaawac soo gaaray kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen kooxihii weerarka soo qaaday iyo ilaalada wasiirrada.

Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in markiiba ay goobta isaga baxsadeen ama ka carareen, ilaa iyo haddana dhab ahaan lama oga cid ay ahaayeen ama ka tirsanaayeen.

Majiro cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi iyadoona dhanka kale saraakiisha Puntalnd aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com