Ra’iisul wasare Saacid Oo Gaaray Magaalada Caabudwaaq Ee gobolka Galguduud.

0

IMG_2189Caabudwaaq (AGGM): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud isaga iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka ambabaxay Degmada Dhuusomareeb ee Gobalkaasi isaga iyo wafdigiisa waxaana si qurux badan loogu soo dhaweeyay Degmada caabudwaaq.Waxa iminka ka socota Degmadaasi kulan uu Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya la leeyahay qeybaha Bulshada iyo sidoo kale culumaa’udiinka Ahlusuna ee Gobalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goordhaw halkaasi ka jeedin doono khudbad dheer oo uu kaga hadlayo ujeedka uu utagay Degmadaasi.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay ku hooyday Degmada Dhuusomareeb ee Gobalkaasi isaga oo socdaalkiisa ku jooga Gobalka Galgaduud wuxuu maanta usii tallabay Degmada caabudwaaq ee Gobalkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com