R/wasaare Saacid Iyo Wafdiga Uu Hogaaminayay Oo Loo Galbiyay Xaruunta Degmada Dhuusamareeb Halkaas Oo Uu Shir Ka Socdo.

0

dhuusamareebDhuusamareeb (AGGM): Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa Waxa ay sheegayaan in maanta si rasmi ah Magaalada Dhuusamareeb booqasho ugu tagay R/wasaaraha Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Xaruunta Degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, markii ay ka soo caga dhigteen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.

Diyaarad qaas ah ayaa waxay R/wasaaraha iyo wafdigiisaba ay ka soo qaaday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna ka soo dejisay garoonka magaalada Dhuusamareeb.

R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa waxaa socdaalkaan ku wehlinaaya qaar ka tirsan Golaha Wasiirada, oo uu ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka C/Kariin Xuseen Guuleed.

Shir ballaaran oo xilligaan ka soconaaya xaruunta degmada Dhuusa Mareeb, ayaa wuxuu u dhaxeeyaa wefdiga Raa’isal Wasaaraha iyo Masuuliyiinta Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com