AMISOM Iyo Ciidamada Maamulka Gobollka Hiiraan Oo Gaaray Dhuusamareeb.

0

jabuutiDhuusamareeb (AGGM):  Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ay la socdaan ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo saakay ka anbabaxay magaalada Baladweyne ayaa goor dhaw gaaray degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud.

Saraakiisha hor kaceysa ciidamadan ayaa inoo sheegay in sababtay ay u tageen gobollka Galguduud tahay in ay xaqiijiyaan nabad-galyada gobollka ka hor inta aysan halkaa gaarin wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Soomaaliya oo la filayo in ay maalmaha dhaw halkaa tagaan.

Ciidamada ayaa si mara degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel iyaga oo uga sii gudbay dhnaca degmada Dhuusa-mareeb oo ay xiligan ku sugan yihiin sida uu inoo sheegay mid ka mid ah wariyayaasha la socda ciidamada.

Wararku waxaa ay sheegayaa in maalmaha nagu soo fool leh ay halkaa tagi doonaan wafdi ka socda xukuumada Soomaaliya oo uu horkacayo ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana wafdigaa si gaar ah amnigiisa u sugi doona ciidamada saakay ka tagay magaalada Baladweyne.

Waa markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan AMISOM ay tagaan deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com