Midowga Africa Oo Canbaareeyey Qaraxi Ismiidaaminta Ahaa Ee Shalay Ka Dhacay Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho.

0

maxamed saalax annadifMuqdisho (AGGM): War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyey weeraradii bar-tilmaameedka looga dhigtey dadka shacabka ah ee Muqdisho, kaas oo uu u danbeeyey weerarkii lala shalay Maqaaxi sida weyn looga cunteeyo, ee ku taala xeebta Liido magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhaawacantey oo dhamaantood ahaayeen dad rayid ah, markii qarax ismiidaamin ah oo uu daba socdey gaari miino lagu xirey ay ku dhacdey Baarka Indian Ocean Star restaurant.

Ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Denjire Mohamet Annadif ayaa yiri “Weerarkan oo ah kii labaad muddo todobaadyo ah, waxa uu muujinaya xurmo darrada argagixisadu u hayso dadkooda”, waa caddahay in qorshuhu ahaa in ay doonayeen dilka dad badan oo shacab ah. Laba todobaad ka hor ayey ahayd markii isla xeebta Liido gaari miino lagu xirey lagu qarxiyey.

Denjire Annadif ayaa tacsi u direy dhamaan dadkii waxyeeladu ka soo gaartey, waxaana uu u rajeeyey caafimaad iyo in ay ka soo kabsadaan.

Ugu danbeyntii ayaa lagu sheegay warsaxafaadeedka Xafiiska Midowga Africa ee Soomaaliya ka soo baxay sida AMISOM ay u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay u wadayaan taageerada dadka Soomaaliyeed, iyo dib u soo celinta nabadgelyada dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com