War Saxaafadeed Uu Soo Saaray Guddoomiye Kuxigeenka Ururka SAHAL.

0

garoon sahalNairobi (AGGM): Anigoo ah Cabdullaahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon) ahna guddoomiye ku xigeenka Ururka Sahal ee saldhiggiisu yahay dalka UK waxaan qoraalakaan ku cadaynayaa in baaq kasoo baxay ururka sahal ee ku qornaa saxaafadda maalmihii lasoo dhaafay , kaas oo gef aan munaasib ahayn loogu gaystay guud ahaan Madaxda Qaranka Soomaliyeed iyo DJFS uusan baaqaas haba yaraatee ahayn mid katurjumaya ujeeddooyinka iyo siyaasadda ururka sahal ee uu ahaa mid ku kooban fikir dad khaasa.

Mabaadiida iyo nidaamka u degsan ururka sahal waa mid ku salayasan nabadaynta iyo horumarinta ummadda soomaaliyeed guud ahaanteed, waa isu soo dhawaynta ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee nabarada xanuunka badani kalagaareen, waa taageeriddaa dib usoo celinta qaranimadii soomaaliyeed ee burburtay, waa taageeridda soonoqoshada qaaranimadaas aynu baadi goobaynay muddo 22 sano ah, waa ixtireaamka iyo karaamaynta madaxda aan u idmanay hoggaankeenna qaranimo, waa kaqayb qaadashada dib u dhiska iyo dib u noolaynta dhamaan kaabayashii dhaqaale ee dumay, waa taalasiinta iyo toosinta wixii khaldan ee u baahan toosin iyo talasiin.

Ururka Sahal wuxuu si buuxda u taageersan yahay una garab taagan yahay  Dowladda Jamhuuriyadda Fedaraal Soomaaliyeed ee aannu dooranay ummadda Soomaaliyeedna si aan kala harlahayn u wada dooratay,Madaxweynaha DJFS, Ra isalwasaatraha DJFS iyo Dawladdii uu soo dhisay iyo Xildhibaanada qaaranka Soomaaliyeed,

Sidaa awgeed waxaan anigoo ah guddoomiye kuxigeenka Ururka Sahal kuna hadlaya magaca ururka si buuxda raalli gelin uga bixinayaa wixii gef ahaa ee uu xambaarsanaa baaqaas aan katurjumayn mabaadiida iyo ujeeddooyinka ururka, isla markaasna baaqaasi uu khaas ku yahay shaqsiga soogeliyay saxaafadda, waayo madaxda qaaranku waxay naga mudan yihiin ixtiraam iyo karaamayn taana waannu u haynaa bikulli ixtraam.

Halkan Guji Kana Akhriso War-saxaafadedka Raaligalinta Laga Bixiyay.

Wabillaahi towfiiq

Cabdullahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon)
Guddoomiye kuxigeenka Ururka Sahal
Email. abdulahigaron@hotmail.com