War Deg Deg Ah: Shir U Dhaxeeya Taliyaha Amisom Ee Jubooyinka Iyo Ciidamada Dowladda Oo Hadda Ka Socda Magaalada Kismaayo.

0

breaking newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladasi uu hadda ka socdo shir ay isugu yimaadeen Taliyaha Amisom ee Jubooyinka iyo ciidamada dowladda ee dhawaan dagaalada la galay maleeshiyo beeleedka Raaskamabooni.

Warkan ayaa intaas waxa uu ku darayaa in uu shirka weli socdo oo weli aysan ka soo bixin waxa looga wada hadlay.

Isku soo wada duub oo waxaan la saadaalin karin natiijada ka soo baxaysa shirkan balse waxaa la rajeenayaa in uu soo afjarmo saacadaha soo socda.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com