Raiisul Barlamaanka Oo Sheegay Inuu Dhawaan Furmayo Kala Fadhigii Labaad.

0

jawaariMuqdisho (AGGM): Iyadoo mudo fasax oo laba bilood ah dhowaan ay galeen barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa warbaahinta tan iyo intii fasaxa ay galeen barlamaanka Soomaaliya wariyaasha la hadley Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cusmaan jawaari ayaa waxaa uu sheegay in Sabtiga soo socda Barlamaanka Soomaaliya kulan kooda ka furmayo Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kaasi oo noqonayo kala fadhigii Labaad tan iyo intii lasoo xuley Barlamaanka Soomaaliya,iyadoona loogu baaqey Barlamaanka iney soo diyaar garoobaan.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu sheegay in kala fadhiga Labaad ee barlamaanka Soomaaliya uu furi doono sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,maadama barlamaanka fasax ay ku maqan yihiin.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ay bilaabayaan wax ka qabashada howlaha culus ee wali hortaagan,waxaana barlamaanka Soomaaliya ku jira Gudiyo la shaqeeya Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com