Dagaal Ka Dhacay Maanta Deegaanka Ismadhaqo Oo 60 KM U Jirta Magaalada Balanballe Ee Waqooyiga Gobolka Galguduud.

0

maleeshiyo beeleedBalanballe (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Balanballe ee waqooyiga gobolkga Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta galinki dambe uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Ismadhaqo oo qiyaasti 60 KM u jirta magaalada Balanballe ee waqooyiga gobolka Galguduud.

Dagaalkan maanta ka dhacay deegaanka Ismadhaqo ayaa waxa uu dhexeeyay laba maleeshiyo beeledyo kadib marki ay isku qabsadeen Baraago biyaha laga cabo oo deegaankasi ku yiilay.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay ilaa hadda in la sheegayo 4 qofood halka ay ku dhaawacmeena 5 qofood oo kale.

Shanta qofood ee dhaawacantay ayaa waxaa loo kala qaaday isbitaalada ku yaal magaalada Caabudwaaq iyo Guriceel ee gobolka Galguduud.

Dhanka kale odayaasha dhaqanka labada dhinac ee dirirtu dhexmartay ayaa waxa ay  wadaan dadaal ay ku joojinayaa colaadan u dhaxeeysa dadka reer miyigi ah.

Isku soo wada duub oo ilaa hadda kama aysan hadlin mas’uuliyiinta maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee ka arimiya gobolka Galguduud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com