Fadeexad:Shir Lagu Xusayay Xasuuqi 1991 Oo Ka Dhacay Magaalada Toronto Laguna Aflagaadeeyay R/wasaaraha Soomaaliya. *Daawo*

0

abduwahab haji huseinXaflad loogu magac daray Xuska Xasuuqi 1991 ayaa waxa ay ka dhacday magaalaga toronto ee dalka Canada 18 bishii janaayo ee sanadkan aan ku jirno 2013.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeeyb galay dad ka soo wada jeeda hal beel oo leh dano gaar ah, ayaa waxaa ka hadlay nin lagu magacaabo C/wahab Xaaji Xuseen oo la dhashay R/wasaarihi dowladi musuq maasuqa C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa waxa uu yiri isaga oo caayaya R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon, Saacid ( MID CIIRTA LULAYA AYAA PRIME MINSTER IDIINKA DHIGAYAA, WAX NAGU QASBAY MA AY JIRTO INAAN OGOLAANO), dhanka kale waxa kaloo uu yiri isagoo hadalkiisa sii wata buu waxa uu caayay beelaha Hawiye oo waxa uu yiri (NIMAAN KU RABIN WAXAA U DABA ORODAA MAJIRO, NIMAAN KU RABIN INAAD KA TASHATO, HAWEENKUBA NINKAAN RABIN WAA KA TAGAAN) (DADKAN SAMA DIIDKA AH, MAXAA JIRA WEEYNAAN LABA NOOLAAN KARIN HADDA, SAD GOONI AHNA DOONI MEEYNO, DAD DUGAAG AH), fadlan halkan hoose ka daawo aflagaadada iyo gafafka halka beel ee shirtay kasoo yeeraya si fiicana u dhuux nuxurka shirkan.


Su’aalahan soo socda hadii aad si wanaagsan u fahanto jawaabta waa ay sahlan tahay oo horaad ka faheysaa guuxan beenta ah ee hadda lala barooranayo.

1- C/wahab Xaaji Xuseen iyo qolyahan ku ooyaya waa nala xasuuqay maxay hadaladan iyo xafladaha xaSuuqi 1991 uu oran waayeen amaba u qaban waayeen xafladahan oo kale  marki AUN’E C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Ahaa? amaba marki ay xilka R/wasaarenimo haayeen, raggi beeshooda ka soo jeeday sida Xasan Abshir Faarax, Cumar C/rashiid Cali, C/weli maxamed Cali? su,aashaas jawaabteeda adinkaan idiin deeynayaa.

2- Su’aasha labaad ee iyaduna isweeydiinta mudan ayaa waxa ay tahay dadkan la xasuuqay ee xuska 1991 loo qabanayo waa reer kee (Waa Qabiilkee) marka madashaas R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon lagu caayayo? su’aashaa jawaabteedana adinkaanu idiin deeynayaa.

3- Su’aasha sadexaad mid dadk dhamaantood ay aad ulla yaabi doonaan taa oo ah.

Magaalada Gaalkacyo waxaa ku wada nool oo si nabad ah kuwada degan Hawiye Iyo Daarood xasuuqa ka dhacayna meel uu ka dhacay Soomaaliyana ma uu jiro waa hadii aan runta laga leexaneyn, Hawiyaha daga magaalada Gaalkacyo maxaa ka dhigay kuwo aan la arkeen shidana ku ahayn wada noolaashaha iyo nabada, maxaase ka dhigaya Hawiyaha dega waxii ka rogma Gaalkacyo markaad u dhaqaaqdo dhanka Galguduud ilaa koonfur galbeed Soomaaliya kuwo bahalo ah oo dadka cunna, nabad diid ah, cadowna ah?  Baroorta Orgigga Ka Weyn, su’aashaas jawaabteedana adinkaan idiin daynayaa.

4-Su’aasha afaraad Jabhadi USC amaba sidaad jeceshihiin hadaan iidnku dhigo Beesha Hawiye markeey xasuuqa geesanayeen beelaha Daarood qaar kamid ah mala socdeen mise lama socon? waakan maanta dhabana leeyska dhunkanayee, su’aashaas jawaabteedana adinkaan idiin deeynayaa.

5- Su’aasha  shanaad, fadlan su’aashan fiiro gaar ah u yeel, Imisa shir oo dib u heshiisiin ah ayaa loo qabtay Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dhamaan deegaanada Soomaaliya odayaashi dhaqanka ee matalayay, oo mid walba leeysku marxabeeyay, leeyskuna cafiyay beel walbana beesha kale ku tiri waan ku cafiyay oo kitaabo Qur’aanka kariimka ah leeysku siiyay? su’aashaas jawaabteedana adinkaa idiin deeynayaa.

Daaroodse 1991 waa la yaqaan cida dagaalantay oo difaacday sharafta iyo karaamada Daarood, daliilkeedana waa kan uu cadeenayo Gen. Maxamed Saciid Xirsi Morgan 0o ku beel ah C/wahab Xaaji Xuseen, Halkan Hoose Ka Daawo.

Haddaba soomalidu waxa ay ku maah maahdaa (NIMAAD NIN KU TAHAY NIN LEEYS KAGAMA DHIGO) nin walbaa waxa uu yahay iyo waxa uu galo taariikhda Soomaaliyeed ayaa sheegi doonta mustaqbalka dhow.

Isku soo wada duub oo waxaan hadalkeeyga ku soo gabgabeenayaa oo aan si gaar ah ugu bayaaminayaa dadka ku abtirsada beesha Sade ee aan waxba ilaa hadda fahmin dhagaha iyo indhahana lagu tirayo (YAA DAAROODEEY) ee hurdada beenta ah lagu seexinayo (YAA DAAROODEEY) waa inay fahmaan dagaalka qaawan ee socda ee beel kaliya Iclaamisay, waana inaysan yeelin marnaba Jubbaland inay hogaanka u qabtaan beeshan dagaalka Qaawan Iclaamisay.

FG. Soomaalidu waxa kale oo ay ku maah maahdaa (NIN GURI DHALA AH KU JIRA DHAGAX MA TUUR TUURO) (WALAAN LA II QARIN MINDIYO LEEYGU QALAYO).

Wabilaahi Towfiiq

Cabdi Cabdulaahi Cismaan
Kismaayo, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com