Maleeshiyada Raaskambooni Oo Laga Qabsaday Saldhigga Booliiska Magaalada Kismaayo.

0

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyada Raaskabooni  dagaal fool ka fool ah looga qabsaday saldhiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Warar aan la hubi ayaa waxa ay sheegayaan in taliyihi saldhiga uu dhaawac yahay amaba uu ku dhintay daaalka,waxaa naloo xaqiijiyay in gabi ahaan lagala wareegay saldhiga magaalada Kismaayo maleeshiyaadka Raaskambooni oo lagu dhex baacsaday gudaha magaalada Kismaayo.

Maantay ayaa lagu waday Kismaayo in shir lagu qabto magaalada Kismaayo balse Shalay galinkii dambe ayaa la shaaciyey in shirkaas baaqday.

Isku soo wada duub oo ilaa hadda waxaan inoo suuragalin inaan qadka telefoonka ku helno horjoogayaasha maleeshiyaada Raaskambooni, balse haduu alle idmo warka oo dhamays tiran kala soco wararkeena dambe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com