Warbixin: Dagaalki Maanta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo Yuu U Dhexmaray.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Dagaalka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu dhaxeeyay 25 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Wararka sugan oo aanu hadda ka heleyno magaalada kismaayo oo ay goordhawayd isgaarsiiteedu hawada ku soo laabatay ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in dagaalka maanta uu ka biloowday 25 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa waxay u dulqaadan waayeey habdhaqanka foosha xun ee ay ku dhaqmaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

25 askari qaar kamid ah ayaa waxa ay gudaha usoo galeen saldhiga boliiska magaalada Kismaayo oo dad eheladooda ah shalay ay ku soo xirteen qaar ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Halkaas ayaa waxaa ka biloowday gacan hadalki koowaad kadibna ciidamadi saladhiga ayaa waxaa u soo gurmaday ciidamo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus kadibna waxaa dagaalki lagu baacsaday maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee gurmadka ahaa.

Kadib marki la baacsaday maleeshayo beeleedka Raaskambooni ay waxa ay baqo ku dhaafeen ciidanka Kenyatiga ahaa oo aan haba yaraatee soo dhexgalin inta ay socotay xabada oo dushaas ka daawanayay dagaalka socday.

Wararka ugu dambeeyay ee hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in labada dhinac ee dirirtu dhexmartay inay ka socoto gudaha magaaalda waan waan nabadeed oo ay wadaan waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugaan magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa bar bar socda waan waantan ay wadaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta in laba dhinac ee diritu dhexmartay ay wadaan abaabul ciidan oo hadda ka socoda gudaha magaalada Kismaayo, waxaana la filan karaa in ay magaalada soo gaaraan gurmadyo ciidan oo ka kala imaanaya deegaanada duleedka magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duub oo Soomaalida ayaa waxa ay ku maah maahdaa “Dhubuq Dhubuq Hore Dhabana Hays Danbay Leedahay”, marka hore ayaa la wanaajiyaa hab dhaqanka aad kula noolaaneeyso bulshada aad deegaan wadaaga tihiin, hadii aad diidana ceebtan oo kale ayaa ku soo wajaheysa.

Fiiro Gaar Ah: Halkan Ka Akhriso Warbixin Shalay Ay Daabacday Shabakada Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com