Afhayeenka AMISOM "Nama Niyad Jabin Doonaan Qaraxyada Iyo Weerarada Falaagada Al Shabaab.

0

xaamudMuqdisho (AGGM): Taliska ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in marnaba aysan ku niyad jabi doonin weerarada iyo qaraxyada ay geysanayaan mar marka qaar xoogagga Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaliya.

Afhayeenka ciidamada midowgga Africa AMISOM Col Cali Aadan Xumud oo warbaahinta la kula hadllayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay marnaba wax saameyn ah  ku yeelan doonin AMISOM qaraxyada iyo weerarada ay mar marka qaar geystaan dagaalyahannada Al-shabaab.

‘’Qaraxii ka dhacay dhawaan xeebta Liido waxaa uu ahaa mid fuleynimo ah islamarkaana muujinaya taagdarada ka muuqata kooxda Al-shabaab, horay ayaanna u cambaareynay, waayo waxaad arki kartaa in markii ay awood kale waayeen xitaa ay hadda isku dayayaan in ay qarxiyaan goobaha dadka rayidka,’’ ayuu yiri Col Cali Aadan Xumud.

Afhayeenka AMISOM ayaa si dhiiran u sheegay in ciidamada Midowga Africa ee AMISOM aysan ka niyad jabeen howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya, kaasi oo ay ku doonayaan in ay ku nabadeeyay dhaan Soomaaliya oo hada qeybo kamid ah ay Al Shabaab ka taliyaan.

Hadalka ka soo yeeray taliska AMISOM ayaa imanaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay hormar dhinaca dagaallada ah ka sameeyeen gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe, iyaga oo isku fidiyay deegaanno ay horay u maamulayeen Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com