Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe " Waxaan Ku Talinaynaa In Aan Lagu Deg Degin Maamul Goboleed Loo Sameeyo Gobollada Jubooyinka".

0

My beautiful pictureMuqdisho (AGGM): Gudoomiyihi hore ee Baarlamanka xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe  ayaa ka digay in lagu degdego dhismaha maamul loo sameeyo gobollada Jubbooyibka iyadoo aan lagala tashan dadka dega Gobolladaasi.

Gudoomiyihi hore ee Baarlamanka xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay maalin ka hor ka soo laabteen magaalada Nairobi ayaa ka warbixiyay ujeedada safarkii ay ku tageen magaalada Narobi isagoo sheegay in ay  halkaasi kula kulmeen qolooyinka ku howlan dhismaha maamul u sameeynta gobolada Jubbooyinka, wuxuuna tilmaamay in ay kula taliyeen  inaan lagu degdegin dhismaha maamul ay qolo gaar ah wadato oo aan laga tixgelin dadka dega deegaanadaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay in kooxahaasi ay isku afgarteen in an lagu fududaan dhismaha maamul ay qolo gaar ah wadato, balse dhinaca kale ayuu nasiib darro ku tilmaamay in kulankaasi kadib ay soo baxeen warar sheegaya in 23 ka bishan uu qabsoomidoono kulan maamul loogu sameeynayo gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay in maamul loo sameeyo gobollada Jubbooyinka uu ku imaankaro oo kaliya wadatashi iyo talawadaag dhexmara dhamaan dadka wadadega gobollada Jubbooyinka.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay meel iska dhigaan wax kasta oo caqabad ku ah wada jirka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed ayna usoo jeestaan sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda Federaalka iyo barnaamijyada ay ku horumarineyso dadka iyo dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com