Maxkamada Ciidamada XGDS Oo Dil Ku Fulisay Sarkaal Iyo Labo Askari Oo Dowladda Ka Tirsnaa.

0

toogasho1Muqdisho (AGGM): Maxkamada ciidamada qalab-ka sida ayaa goor dhaw dil toogasho ah ku fulisay sarkaal iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in ay horay u dilleen sida la sheegay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Dilka sarkaalka iyo labada askari ayaa ka dhacay School Police-yo waxaana goob joog ka ahaa goobta lagu tooganayay askarta guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Jen Xassan Max’ed Xusseen Muun-gaab.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale toogasho loogu fuliyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana xukunkii kan ka horeeyay bishii Janaayo lagu fuliyay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasoo la sheegay in lagu helay dambiyo isugu jira dil iyo kufsi.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolllada dalka Soomaaliya ayaa siweyn u soo dhaweeya xukunada ay fuliso maxkamada ciidamada qalabka sida oo ay dadku u arkaan in yihiin kuwo loo baahnaa, islamarkaana yareyn kara falalka dilka aan micnaha laheyn oo ay ciidamadu ku kacaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com