Dad Soomaali Ah Oo Lagu Laayay Masjid Ku Yaal Degmada Dhadhaab Ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

0

masjidDhadhaab (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada Dhadhaab ee waqooyi bari dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in weerar qorsheysan oo lagu dilay dad badan oo Soomaali ah, xilli ay ku tukanayeen Masaajid ku yaala degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Rag hubeysan ayaa waxay weerarkaan ay ku qaadeen Masaajid ku yaala meel 25km u jirta Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari, xilli Salaaddii Subax ay saakay ay ku tunaayeen.

Dableydan hubeysan ee weerarkaan fulisay ayaa waxay rasaas xoogan ay ku harqiyeen dadkaan, iyagoo markaasi ku jira safafka Salaaddii Subax, oo ay wada tukanaayeen.

Ilaa 7 qof ayaa waxay wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in weerarkaan ay ku dhinteen, isla-markaana ay ku dhaawacmeyn tiro kaloo intaasi ka badan.

Ragga weerarkaan geystay oo aan la aqoon waxa ay yihiin ayaa waxay isaga baxsadeen goobtii ay weerarkaan ka geysteen, isla-markaana ma cadda halka ay aadeen.

Saraakiisha Dowladda Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli haba yaraato’e ka hadlin weerarkaan, oo lagu dilay dad shacab ah, oo aysan jirin cid ay wax ka galabsadeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com