Madaxweynaha Sierra Leone Oo Sheegay In Dib U Soo Celinta Nabada Soomaaliya Qeyb Ay Ka Qaateen.

0

Ernest Bai KoromaFreetown (AGGM): Madaxweynaha Sierra Leone Ernest Bai Koroma,ayaa shaaca ka qaaday in wadankiisa uu qeyb weyn ka qaatay nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya iyo hormarka iminka laga dareemayo Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Ernest Bai Koroma,oo ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah kula hadlayay gudaha dalkiisa ayaa hoosta ka xariiqay islamarkaana ciidamadiisa ku amaanay sida wacan ee kaga qeyb qaateen dib u soo celinta Nabada Soomaaliya iyo xasilinta wadanka Soomaaliya.

Mr Koroma,oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Saraakiil ciidan ay kaga sugan yihiin wadamo badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii wadamada ay ku sugan yihiin horumar u gaarsiin lahaayeen.

“Ciidamadeena waa kuwo geesiyaal ah oo ku dhiiran ka shaqeynta nabada iyo xasiloonida waana ku amaanay yihiin Soomaaliya ay u caawiyeen’.ayuu yiri Koroma Madaxweynaha Dalka Sierra Leone.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha dalka Sierra Leone,in Soomaaliya haatan laga dareemayo ifafaalo muujinaya in dib Soomaaliya ay u soo ceshaneyso hanaankii dowladnimo ee calaamka ku lahayd laguna yaqiinay,isagoona sidoo kale balan qaaday inay siiwadi doonan taageerada dhinaca waliba ah ay siinayan Soomaaliya si hadafkeeda ay kaga miro dhaliso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com