Haweeneydii Ugu Horeeysay Mudo 22-sano Ah Ka Dib Darawal Ka Noqotay Gaadiidka Dadweynaha Ee Magaalada Muqdisho.*Daawo Sawirada*

0

daraw1Muqdisho (AGGM): Darawalada gaadiidka magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah ugu soo biirtay haweeney ka mid ahayd qurba-joogta Soomaaliyeed, waxaana haweeneydaasi haatan ay bilowday shaqadeeda darawalnimada, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horeysay muddo 22-sano ah oo darawal ka noqota gaadiidka BL-ka ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Xabiibo Biljam kuna magac dheer “Maama Xabiiba Biljam” ayaa ka warbixisay shaqadeeda darawalnimada waxay sheegtay inay ku qanacsan tahay, taasi oo ay sheegtay inay dalka u timid si ay weji cusub ugu furto haweenka Soomaaliyeed ee dalka ku sugan.

“Maryan Mursal oo kaliya ayaa iiga horeysay haween darawal ka ah gaadiidka BL-ka, waxaana noqday qofkii labaad ee haween ah oo darawal ka noqda gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha Xamar Weyne iyo Isgoyska Zoppe” ayay tiri Maama Xabiibo.

Haweeneydaan oo wade ka ah gawaarida loo yaqaano Mini Bus ah nooca Homeyda loo yaqaano ayaa si weyn uga duwan darawalada kale ee gaadiidka BL-ka, iyadoo gaariga ay wadaha ka tahay Maama xabiibo aad moodo in dadweynaha ay door bidayaan inay raacaan gaariga Maama Xabiibo, taasi oo keentay in dadweynaha ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan haweeneydaan ku soo biirtay darawalada gaadiidka BL-ka Muqdisho.

Dhinaca kale haweeneydaan  ayaa sheegtay in muddo sideed sano ah ay Taksiile ka ahayd wadanka Ingiriiska, iyadoona ka door biday inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato halkaasna ay ka sii wadato xirfadeedii darawalnimada.

daraw3

daraw4

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com