Warbixin: Maxaa Ka Socda Magaalada Kismaayo?

0

KISMAAYOKismaayo (AGGM): Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay ka soo kabanaysa dib u dhacyo badan oo ay u gaysteen kooxda Al-Shabaab.

Magaalada ayaa waxaa ka socda Dhismayaal  iskugu jira ,Guryo, wadoyiin iyo Warshado yar yar oo Magaalada laga hergaliyay.

Waxaa dhismo iyo dib u habeynba lagu sameyay Hotelada Magaalada Kismaayo oo hada u shaqaynaya si xowli ah ayado Hotelada Magaalada ugu Mashquulsan uguna casrisan ay yihiin Hotelada Tawakal International, Hotel Kismaayo iyo Hotel Hareed Yarow waxaa dib u habeyn iyo Casriyayn ay ku socota  Hoteladi Magaalada Kismaayo ugu waaweyna sida  Hotel Cascaseey iyo Hotel Qiilmawaaye,

Dakada Magaalada Kismaayo ayaa waxay u shaqaynaysa si xowlihi ah ayado alabaha Dakada Kismayo laga soo dajiyo ay galan  Gobolada, Jubbada dhexe , Gedo , Bay , Bakool , Guud ahaan Gobolka Waqoyi bari Kenya, ila Wadanka Yuganda oo ay tagaan alabo laga soo dajiyay Dakada Kismaayo.

Arinta la yaabka leh ayaa waxaay tahay  in Garoonka  Diyaaradaha ee Axmed Guray Internetional Airport uu mudo gaban gudahood ku noqday Airporada ugu Mashquulka badan Somalia,

Mar aan Boqday Garoonka Diyaaradaha ee Axmed Gurey International Airport ee Magalada Kismaayo ayaan ku arkay waji ka duwan midki aan ku soo arkay 2 bil ka hor.

Garoonka ayaa waxaa lagu sameyay  dib u habayn aan sidaas u badnayn balse ku muqanaysa  in  garoonka hanti la galiyay waxaa markaasi garoonka fadhiyay ila 5 diyaaradood  oo ka kala yimid Muqdisho iyo Nairobi inta aan ku sugna garoonka waxaa kacay labo diyaaradood halka Diyaarad kale oo ka timid dhanka Kenya ay ka soo dagtay.

Waxaa dib u habayn lagu sameyay  qaybaha Magaretionka iyo Hollka rakaabka ay ku sugaan diyaaradaha iyo qaybo badan oo ka mid ah  Garoonka Kismaayo.

Amaanka Garoonka ayaa ah mid la isku halayn karo waxaana Amaanka si wadajir ah u suga Ciidamada Amisom iyo Ciidanka Dowlada Somalia iyo kuwa Raskambooni.

Isku soo wada duubo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda Hormaro dhankasta ah oo farxad galin kara dhamaan shacabka reer Kismaayo ee in badan ku soo jiray  dagaalada sokeeye

Cabdikhadar Iimaan Dhaqane
Kismaayo-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com