Maamulka KMG Ah Ee Magaalada Kismaayo Oo Iska Fogeeyay In Ay Ka Danbeeyeen Dil Qof Rayid Ah Loogu Geystay Magaalada Kismaayo.

0

yaasiin nuur gaas888888Kismaayo (AGGM): Mas’uuliyiinta maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo ayaa iska diiday iskana fogeeyay in ay ka danbeeyeen ama ku lug lahaayeen dil maalintii shalay loogu geystay magaalada Axmed Jimcaale Maleele oo ka mid ahaa macalin weyn looga garanayay magaalada.

Wararku soo baxay ayaa sheegay in qofka toogtay macalinka uu ka tirsanaa ciidamada maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada Kismaayo, taasoo keentay in ay ka hadllaan mas’uuliyiinta.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka Kismayo Col Yaasiin Nuur Gaas oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay ay siweyn ugu xun yihiin dilka macalinka islamarkaana cambaareynayaan, waxaana uu sheegay in marnaba aysan wax lug ah ku laheyn dilkiisa.

‘’Aadan baan uga xunnahay dilkaas, waxaana leenahay waxaa ka danbeeyay oo geystay kuwii hore dadka ku dilli jiray Al-shabaab, maamulku arintaa wax shaqo ah kuma laha,’’ ayuu yiri Col Yaasiin Nuur Gaas.

Waxaa uu sheegay in ay wadaan baritaano dhab ah oo la doonayo lagu soo qabtay kooxihii dalka ka danbeeyay, waxaana uu tacsi u dirray eheladii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum-ka.

Inkastoo maamulka magaalada Kismaayo ay iska fogeeyeen dilka, ayaa haddana dadka goob joogayaal ah waxaa ay sheegayaan in askari ka tirsan ciidamada dowladda oo uu si bareer ah u toogtay macalinka waliba sida ay wararku sheegayaan dilka ayaa ka dhacay saldhiga magaalada Kismaayo, kadib markii uu muran soo kala dhax-galay askariga iyo macalinka dhintay.

Waxaa uu sheegay gudddoomiye ku-xigeenka maamulka Kismaayo in ay adkeynayaan nabad-galyada iyo amniga magaalada, oo la filayo in 23 bishan lagu qabto shirka maamul  usamaynta Jubbaland oo ay qabanqaabadiisa wadaan maamulka kumeelgaarka ah ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com