Feeryahan Soomaaliyeed Oo Wacdaro Ka Dhigay Magaalada Herning, Ee Dalka Denmark.

0

FeeryahanCopenhagen (AGGM): Tartan ciyaareed ah feerka loo yaqaan MMA oo xalay ka dhacay magaalada Herning ee dalkaas Denmark ayaa waxaa u suuragashay ciyaartooy soomaaliyeed oo u ciyaarayay dalkaasi Denmark in uu ka soo hooyo guul aad u weyn ka dib markii uu wareegii 1aad ee ciyaarta daqiiqadeedii koowaad uu sare jooga ka tuuray ciyaar yahankii ka soo horjeeday oo ahaa nin asalkiisu yahay Kurdi laakiin u ciyaarayay isla dalkaasi Denmark.

Ciyaartan oo ay ka soo qayb galeen wadmo badan ayaa xalay ciyaaryahankan soomaaliyeed waxay ahayd ciyaartiisii ugu horeysay oo rasmi ah halka nin ka uu la tartamayay uu ahaa nin caan ku ah ciyaarta horayna u soo saftay kulamo badan ayaa xalay waxaa dadka amankaag iyo fajiciso ku noqotay tabtii iyo dardartii uu la soo shirtagay ciyaaryahankan soomaaliyeed.

Ciyaaryahanka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil M. Tooxoow oo dhererkiisu yahay 2.2m, culayskiisuna yahay 93kg ayaa noqonaya ciyaar yahankii soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ka qayb gala tartan ciyaareed ah feerka loo yaqaan MMA.

Ciyaar yahan Tooxoow oo ah wiil 22 jir ah kuna barbaaray dalkaasi Denmark ayay sheegeen macalimiintiisu in uu leeyahay mustaqbal wanaagsan oo ku aadan ciyaartan iyo in uu horseed u noqon karo jiilka cusub ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee yurub ku barbaaray in ay sidoo kale ka soo muuqdaan tartamada ciyaaraha kala duwan.

Tooxoow oo la hadlayay taageerayaashiisa ayaa u sheegay in guushan uu u hadiyadaynayo dhamaan shacabka Somaaliyeed meel walba oo ay ku suganyihiin.

Aqristayaasheena sharafta leh waxaan u balan qaadaynaa in maalmaha soo socda aan u soo gudbin doono ciyaartii xalay oo muuqaal ah hadii Alaah yiraahdo,

WQ. Abdiaziz Mohamed
aziizxg@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com