Falaagada Al Shabaab Oo Nabadoon C/Laahi Odowaa Barkhad Ku Dilay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

0

dhuusamareebDhuusamareeb (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in  maanta dil qorsheysan loo geeystay Allaha u naxariistee Nabadoon C/Laahi Odowaa Barkhad, oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliyeed ee Gobolada Dhexe.

Laba nin oo ku hubeeysan bastoolado ayaa waxay Nabadoon C/Laahi Odowaa Barkhad ay ku dileen Deegaanka Ceel Cali Mire, ee duleedka Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogeyaal ku dugan gudaha magaalada Dhuusamareeb Dableeydan ka tirsan maleeshiyada falaagada Al Shabaab, ayaa waxay xabado badan ay la dhaceen Nabadoon C/Laahi Odowaa Barkhad.

Nabadoon C/Laahi Odowaa Barkhad ayaa durbaba u geeriyooday rasaasti ay la dhaceen , meydka Nabadoon C/llaahi Odowaa ayaa waxaa  loo soo qaaday Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xaruunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxay maanta hawl galo ballaaran ay ka wadaan Deegaanka Ceel Cali Mire, inkastoo aysan jirin cid ay hawl galadaan ku soo qab qabteen.

Taliyaha Amniga ee Magaalada Dhuusa Mareeb ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe Farxaan Macalin Cali, ayaa wuxuu dilka Nabadoonka uu ku eedeeyay in ay ka dambeyeen falaagada arxanka daran ee Al Shabaab.

Isku soo wada duub oo falaagada Al Shabaab ayaa gabi ahaan deegaanada Soomaaliya  waxaa caado u ah inay bar tilmaameed ka dhigtaan Waxgaradka, Culumaa’udiinka, Saraakiisha iyo dhamaan Birmageydada, dilka Nabadoon C/llaahi ayaa noqonayn kii ugu horeeyay amaba ugu dambeeyay ee ay geystaan falaagada arxanka daran ee Al Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com