Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Falaagada Al Shabaab Kala Wareegay Deegaanada Manaas Iyo Cadow-Duuraay Oo Ka Tirsan Gobolka Bay.

0

Ciidamada-Dowlada-HowlgalBaydhabo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas kuwaas oo ay hore gacanta ugu hayeen ururka alshabaab Ciidamada ayaa saaka la sheegay inay weerar culus ku ekeeyeen deegaano fara badan oo ka tirsan gobolka Bay kuwaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada falaagada Al Shabaab waxaana ay wararku sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qabsadeen deegaano dhowr ah oo ay hore uga arimin jireen maleeshiyaadka falaagada Al Shabaab.

Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay Max’ud Max’ed Nuur Siidow  ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay falaagada Al Shabaab kala wareegeen deegaanada Manaas iyo Cadow-duuraay oo ka tirsan gobolka Bay.

Max’ud Max’ed Nuur Siidow ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya aysan la kulmin iska caabin buuran balse waxa uu sheegay inay meelaha qaar ay ka dhaceen dagaalo aan sidaa u buurnayn, taliyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa intaasi waxa uu ku daray in ay ku fool leeyihiin deegaanada Iidaale iyo degmada Diinsoor oo ay fariisimo muhiim ah ku leeyihiin falaagada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa waxa uu ballan qaaday in ciidamada dowladda Soomaaliya ay saacadaha soo socda gaari doonaan magaalada Diinsoor oo wararka ka imaanaya ayaa iyaguna waxa ay sheegayaan inay magaaladaasi isku uruursadeen firxadka maleeshiyada falaagada Al Shabaab oo wata gaadiid dagaal.

Isku soo wada duub oo firxadka maleeshiyada falaagada Al Shababa ayaa waxa ay u diyaar garoobayaan sidii ay isga caabin lahaayeen weerarka ciidamada dowladda Soomaaliya ee saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Diinsoor,dadka magaaladaas ku dhaqan ayaa iyaguna waxaa soo wajahday cabsi ay ka qabaan in dagaalku uu ka qarxo gudaha magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com