Dagaal Dhexmaray Shacab Gadoodsan Iyo Falaagada Al Shabaab Oo Ka Dhacay Degmada Cadale.

0

top newsMuqdisho (AGGM):Wararka ka imaanaya degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay fiidkii uu dagaal ka dhacay tuulada Xagareey oo ka tirsan degmada Cadale.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay inuu dagaalka u dhaxeeyay shacabka ku dhaqan deegaanka iyo maleeshiyo ka tirsan falaagada Al Shabaab oo weerarka soo qaadday.

Hal qof ayaa ku dhintay dagaalka, lix kalena waa ay ku dhaawacantay, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan dadka deegaanka.

Wararka waxay intaas ku darayaan in dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay iska caabbiyaan weerarka ugaga yimid maleeshiyada falaagada Al Shabaab.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalka ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com