Ixtifaalka Mowliidka Oo Laga Dhigay Magaalada London Ee Wadanka Ingiriiska *Daawo Sawirada*

0
11London (AGGM): Xafladaan oo ahayd mid si heer sarre ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday magaalada London ee wadanka ingiriiska waxaana ka soo qeyb galay culimo iyo dad weyne aad u farabadan oo ka kala yimid daafaha wadanka ingiriiska iyo gudama magaalada London.

Ixtifaalkaan oo ahaa mid si weyn loo sugayay isla markaasna loogu dabaal dagayay farxada dhalashada Nabi Muxamed CSW ayaa waxay xalay ka dhacday hoolk weyn oo ku yaala magaalada London gaar ahaan xaafada Welthamstown waxayna bilaabatay isla markaasna ay dhamaatay xiligii loogu tala galay waxaana ka soo qeyb galay culimo aad u farabadan isla markaasna halkaas ka soo jediyay muxaaadarooyin aad dadka dhagahooda u soojeeteen.

Waxaa xalfada lagu furay aayaadka Qur’anka Kariimka, sidoo kale waxaa la aqriyay kitaabka Mowliidka oo ka hadla siirada nabiga kaasoo aad loo aqriyo markay soo gasho bishaan oo ah bishii uu nabi Muxamed CSW ifka la keenay.

Culimadii halkaas ka muxaadareesay ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Cali Loobogay oo ka mid ahaa culimadii soo agaasimay ixtifaalkaas sida quruxda badan leh loo soo agaasimay, wuxuu ku soo dhaweeyay dad weynihii ka soo qeyb galay isla markaasna wuxuu ka soo jeediyay muxaadaro ku saabsan dhalashada nabi Muxamed CSW.

Sh. Axmed Mataan ayaa asaguna muxaadaro dadka oo dhan ay u riyaaqeen ka soo jeediyay taasoo ku saabsanayd in ixtifaal noocaan oo kale ah farxada looqabo dhalashada nabi Muxamed CSW loo sameeyo bisha uu dhashay taasoo illahay loogu mahdinayo, sidoo kale muxaadaro taas la mid ah waxaa ka soo jeediyay madashaas Sh. Cali Xaaji Yuusuf oo ka mid ah culimada soomaaliyeed kuwa ugu caaansan.

Muxaadarooyin iyo dikri farabadan ayaa waxaa halkaas ka soo jeediyay culimada Ahlusunna dariiqooyinkooda kala duwan waxayna farxaadaasi illaahay loogu shukrinayo ku soo idlaatay farxad, ayadoo ugu danbeentii meeshaasi lagu cunay cuntadii loogu talagay dad weynaha ka soo qeyb galay.

Ugu danbeentiina waxaa lagu soo qatimay xadro Zayliciya ah iyo Aweysiyo. Maahan London kaliya meesha laga xusay, aduunka dacaladiisa ayaa laga dhigay mid la mid ah ayadoo Manchester laga samayn doono 16/02/2013.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

01 (2)

2 (3)

3 (3)

02 (2)

6 (2)

5 (2)

4 (4)

12 (2)

9

11

10

7