Dowladda Ingriiska Oo Sadax Milyan Oo Bond Ugu Deeqday Soomaaliya.

0

cameronLondon (AGGM): Dowladda Britain ayaa sheegtay in lacag dhan sadax milyan oo Bond ugu deeqday  dalka Soomaaliya xili uu magaalada London booqasho ku joogo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay waxaa uu magaalada London guriga Number 10 ee down Street uu kulan kula yeeshay ra’iisal wasaaaraha dalka Ingariiska David Cameron.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in lacagta ay ugu deeqday Soomaaliya 1.47 Milyan ka mid ah waxa ay ku bixi doontaa howlaha dowladda cusub iyo baarlamaanka  Soomaaliya iyadoona 1.5 milyan lagu caawin doono in gar gaar lagu siiyo 60 kun oo isugu jira caruur iyo haween nafaqo darro laliita.

Sidoo kale, dowladda Britain ayaa sheegtay in 60 milyan oo gargaar ah ay siin doonto Soomaaliya sanad kasta, taasoo sida la  sheegay wax looga qaban doono shaqo la’aanta, caafimaadka iyo waxgarashada.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga wada hadllay sidoo kale xiriirka u dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii loo sii xoojin lahaa, waxaana uu sheegay madaxweyne Xassan Sheekh oo warbaahinta la hadllay kulanka uu la qaatay ra’iisal wasaare David Cameron kadib in dhamaan qodobadii ay ka wada hadlleen isku afgareen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com