Allgalgaduud.com ayaa heshay xogo la xiriira shaxda uu ka damacsan yahay Golaha cusub ee Wasiirada Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo horaantii bishaan dib ula laabtay Xukuumadiisa markii Barlamanka ay kasoo horjeesteen 4 Wasiir ka mid ah dowladda.
Wasiiradaasi oo kala ahaa
Wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed
Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane.
Wasiirka Cadaaladda Faarax Cabdiqaadir
Iyo Wasiirka Amniga Cabdullahi Sanbaloolshe
Haddaba xogaha aan heleyno waxa ay sheegayaan in Wasiiradaan ay mar kale kasoo dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada hase ahaatee waxaa isbadalo lagu sameyn doonaa Wasaaradaha kor ku xusan oo ay hada ku magacaaban yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha oo uu cadaadis kaga imaanayo Madaxweynaha oo ku saabsan in Wasiiradaan ay muhiim tahay inay ka mid noqdaan Golaha ayaa sidaan qorsheeyay
Wasiirka Waxbarashada Faarax Cabdiqaadir
Wasiirka Lacagta, Cabdullahi Sanbaloolshe
Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane
Wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed
Sida muuqata Wasaarada Maaliyada ayaa loo sameeyay Farac kale oo ah Wasaaradda lacagta, halka Faarax Cabdiqaadir loo weeciyay dhinaca Waxbarashada, iyadoo Wasiirada kale ee Cabdi kariin iyo Xalane loo daayay boosaskooda sababo la xiriira xaga awooda qeybsiga beelaha ay kasoo jeedaan.
Arrintaani wali la iskuma raacin waxaa si weyn u saluugsan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.