Baydhabo, AGGM: Waxaa hakad galay shirkii dib u heshiisiinta Bulshada degta Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka dhawaan ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Sababta uu shirkaasi u baaqday ayaa lagu sheegay inay tahay ka dib markii ay ka qeyb gali waayeen Odayaasha iyo waxgaradka la doonayay ina shirkaasi ka qeyb galaan,iyagoona u aaneeyay arintaasi shirka ka furmay magaalada Kismaayo oo ay sheegeen inay ka soo horjeedaan.
Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa Idaacada Risaala u xaqiiyay in wali hakad uu ku jiro Shirkii ay ku baaqeen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hogoominayay oo mudo 16-cisho ah ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com