Muqdisho (AGGM) Nicholas Kay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM ugu qeybsan Soomaaliya ayaa salaam iyo bogaadin la xiriirta Ciidul Fitriga waxa uu u diray umada Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaysa maalintan farxadeed.
Mudane Kay wuxuu yiri “Waxaan idin leeyahay Ciid Wanaagsan, Ciid Mubaarak.” Ergeyga oo sii hadlaya ayaa sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin loo dabbaaldego dhammaadka soonka bisha barakaysan ee Ramadaan oo la xusuusanayo dadka danyarta ah ee aan sideena oo kale aan u nasiib badnayn.
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM ugu qeybsan Soomaaliya ayaa wuxuu u rajeeyay bulshada Soomaaliyeed dib u heshiisiin iyo iswaafaqsanaan iyo in ciidan ay ka qayb qaadan doono nabad ka dhalata Soomaaliya oo idil.
Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan u rajeeyay ciid wanaagsan iyo inay ciiddan teeda kale ku gaaraan nabadgalyo iyo barwaaqo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com