Baladweeyne (AGGM): Waxaa magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ka soconaya qaban qaabada xaflad lagu wado in maanta halkaasi xilalka kulak ala wareegaan maamulkii hore ee gobolka Hiiraan iyo kan cusub ee hada loo magacaabay.
Sida ay tilmaamayaan wararka ugu danbeeyay ee halkaasi laga helayo ayaa waxay tibaxayaan in magaalada oo dhan amaankeeda si aad ah loo adkeeyay kaasi oo ay sugayaan ciidamada Dawlada federaalka soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Amisom ee halkaasi ku sugan.
Magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa haatan ku sugan wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federalaka soomaaliya.
Wafdigaas oo maalinimadii shalay ahayd soo gaaray magaalada Baladwayne ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka khayraadka dalka Cabdirsaaq Cumar Maxamed.
Waxaan lagu wadaa in maamulkii hore ee gobolka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax uu xilka wareejinayo Cabdi Faarax Laqanyo oo horey uga tirsanaan jiray saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com