Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in la qabtay 10 qof oo la macaamilay Al-Shabaab, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
War kooban oo kasoo baxay hay,adda ayaa looga digay shacab in ay wax macaamil ah la yeeshaan xubnaha Shabaab ka tirsan.