Diyaarad Kenya laga leeyahay oo ku soo dhacday Gedo.

0

Diyaarad siday rakaab oo ka soo kacday Nairobi ayaa ku dhacday garoonka diyaradaaha degmada Ceelwaaq, kadib markii la sheegay in diyaarada ay ku timid cilad.

Waxaa la sheegay in ay Diyaaradaan siday 45 qof oo ay kasoo qaaday Nairobi ayaa kusii jeeday degmada Elwak ee maamulka Mandera, sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Wararka ayaa intaa waxaa ay ku darayaan in diyaarada rakaabkii saarnaa ay waxyeelo soo gaarin islamarkaana ay badqabaan, iyadoo diyaarada ay ku dhacday garoon aan shaqeyn mudo sanado ah.

Wali kama aysan hadlin maamulka iyo kan degmada Gobolka gedo diyaaradaan rakaabka ahayd ee kusoo dhacday degmada Ceelwaaq. .