Qatar Oo Si Kulul Uga Hadashay Qaraxii Is-Miidaaminta Ahaa Ee Ka Dhacay Muqdisho

0

Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si xooggan u cambaareyneyso weerar is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay goob baabuurta rakaabka laga raaco oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay qofkii is-qarxiyey iyo qof shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 23 qof oo kale, sida ay sheegeen saraakiisha booliska Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar, oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee QNA, ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso mowqifka “ay ku diidan tahay rabshadaha iyo argagixisanimada, ayada oo aan loo eegeyn ujeedooyinka iyo sababaha laga leeyahay.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoyaska dhibanayaasha weerarka, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya, ayada oo kuwa dhaawac ahna u rajeysay soo kabasho deg deg ah.

Toddobaadyadii dhowaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhayey weerarada is-miidaaminta ah ee ay fulinayaan shaqisyaadka is-qarxinaya ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii lagu fulin jiray baabuurta.