Wararka maanta naga soo gaarayo Degmada Luuq ee Gobalka Gado ayaa waxa ay sheegayaan in dableey hubyesan ay xalay bartamaha gurigiisa ku dishay Alle ha u naxariistee Nin beeraley ah oo kamid ahaa dadka ku nool degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Marxuumkan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ganey Warsame Gaabane, Dilka Marxuumka ayaa waxaa geestay rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen Qoryo AK 47 ah kuwaasoo isaga baxsaday goobta ay ku dileen Marxuumkaasi.