Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Maanta oo Sabti ah ay Baarlamaanka hor imaan doonaan Musharaxiinta u Ordaya Xilka Madaxweyaha Galmudug.
Musharaxiinta Maanta Khudbadda jeedin doona waxaa ay kala yihiin Musharax Madaxweyne Xaaf Ducaale Geelle, Axmed Shariif Cali Hiloowle iyo Prof C/qaadir Shirwac.
Waxaa Guddiga Doorashada Galmudug ay sheegeen in Berri oo Axad ah ay dhici doonto Doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku Fashilantay wada-hadalkii Galmudug iyo Ahlusunna oo lagu waday in la dhiso Maamul ay ku mideysan yihiin.