Wariye Cabdi Casiis Cali Xaaji oo ka tirsan Idaacadda Shabelle ayaa Goor dhaw lagu dilay Xaafadda Jeero-garoob ee Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir.
Allaha u naxariistee Wariye C/casiis Cali Xaaji ayaa la sheegay in ay Dileen Koox Hubeysan oo sida la sheegay watay Mooto,kuwaas oo goobta ka baxsaday.
Guddoomiyaha Shabelle C/maalik Yuusuf Maxamuud ayaa noo Xaqiijiyay Dilka Wariye C/casiis Cali Xaaji.