Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan oo hal maamul matalayo ayaa galabta waxa ay la ciyaari doonaan maamul goboleedka Putland , ciyaarta Sami Finalka tartanka doowlad goboleedyada Soomaaliya, ee ka socda magaalada Muqdisho.
Kooxdii soo baxda kulanka galabta waxa ay wajihi doontaa kooxda kubada cagta Jubbaland oo shalay ay iska xaadirisay Fnalka koobkaan.
Isniinta soo aadan ayaa qorshuhu yahay in lasoo gaba gabeeyo tartanka, Sida ku cad jadwalka tartankaan.
Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan ayaa ah xulka kaliya ee soo badiyay labadii ciyaar ee loogu tala galay heerka gurubyada waana xulka kaliya ee keensaday lix dhibcood.
Kooxda kubada cagta Puntland oo bar baro gashy mid kamid ah kulamadii ay ciyaartay ayaa kusoo baxday kaalinta labaad guruubka A,