Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la geeyay 92 qof oo tahriibayaal ah, oo doontii ay saarnaayeen ay mudo 5 cisho ah dul sabeynneysay badda u dhexeysa Soomaaliya iyo dalka Yeman, kadib markii ay xumaatay doonidii ay la socdeen sida saraakiisha Puntland ay sheegeen.
Waxaa la xaqiijiyey in dadkaasi oo u badan Ethiopian uu soo bad baadiyay markab ka tirsan kuwa isbahaysiga NATO ee ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad badeeda.
Dadkan tahriibayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ku jirto haweeney uur leh iyadoo 85 kalena ay u dhasheen dalka Itoobiya.
Duqa degmada Magaalada Boosaaso Yaasiin Cumar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan dadkaasi isla markaana ay u gudbinaya Masuuliyiinta ay quseysa arrintaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku daba jireen Xogta Tahriibayaashaan isla markaana shalay lagu soo wareejiyay.
Hoos ka Dhageyso Codka Duqa Boosaaso:-