Aubameyang: Waxaan Rabaa Inaan Lamid Noqdo Eto’o Iyo Drogba”.

0
Laacibka xulka qaranka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund Aubameyang ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka gaaro xirfadiisa heer sare.
25 jirkaan oo gool u dhaliyay xulkiisa Gabon ayaa sheegay inuu doonayo inuu lamid noqdo weerar yahanada ugu qatarsan Afrika ee Eto’o iyo Drogba.
“Waxaan doonayaa inaan lamid noqdo laacibiinta waa wayn sida Eto’o iyo Drogba” ayuu yiri Aubameyang.
“Ma jiro wax cadaadis ah oo aan dareemayo, waxaan doonayaa inaan shaqo fiican u qabto xulkayga qaranka, taageerayaashu marwalba waa ay ii sacabtumaan waxayna iga codsadaan inaan sameeyo waxyaabo fiican sidaas darteed waa inaan wax badan u qabto”.