WARBIXIN+SAWIRRO : Natiijada Kulamadii Xalay ee Champions Leaque & Kooxo Waaweyn oo Ceeboobay.

0

Manchester United ayaa guul raaxo leh Old Traffrod ugu furutay tartanka ay dib ugu soo laabtay ee Champions Leaque waxayna Red Devils 3-0 ku garaacday kooxda martida u ahayd ee FC Basel oo aan awoodin in ay xataa hal gool kula timaado Old Traffrod. Mourinho ayaa guushiisii ugu horaysay ee Champions Leaque la gaadhay Manchester United kadib markii uu Europa Leaque u soo mariyay in ay dib ugu soo laabtaan tartankan.

Marouane Fellaini ayaa badal ciyaarta ku soo galay si uu booskii Paul Pogba uu ka dhaawacmay u buuxiyo wuxuuna xidiga ree Belgium dhaliyay goolka ay United ku jabisay iska caabintii Basel laakiin qaybtii danbe ee kulankan Romelu Lukaku iyo Marcus Rashfrod ayaa goolashoodii ugu horeeyay ee Champions Leaque u dhaliyay Man United.

Manchester United ayaa awooday in ay sii joogtaysay rekoodhkeeda cajiibka ah ee tartamada Yurub ee Old Trafford iyada oo kulankii 19 aad oo xidhiidh ah aan wax guuldaro ah kula kulmin garoonkeeda kulan tartamada Yurub ah.

DAQIIQADII 35 AAD Marouane Fellaini ayaa kooxdiisa Man United u dhaliyay goolka furitaanka ee sida wayn Old Traffrod looga sugayay isaga oo si fiican u dhamaystiray karoos fiican oo uu ka helay xidiga dhaawac ka soo laabtay ee Ashley Young, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay United hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Manchester United ayaa sii xoojisay natiijada ciyaarta ee ay guusha ugu taagnayd iyada oo aan Basel wax fursad ay ku soo laabto siin.

DAQIIQADII 53 AAD Romelu Lukaku ayaa magiciisa ku qoray goolkiisii ugu horeeyay ee Champions Leaque ee uu Manchester United udhaliyo kadib markii uu si qurux badan u dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Daley Blind, wuxuuna goolkani kalsooni wayn siiyay Red Devils. Waxay markan ciyaartu noqotay mid ay Man United maamulkeedi si buuxda gacanta ugu qabtay.

DAQIIQADII 84 aad da’yarka kulan kasta oo uu ka soo muuqday goolkiisa ugu horeeyay ka soo dhaliyay ee Marcus Rashfrod ayaa ciyaarta hurdada ugu diray goolka saddexaad ee Man United si uu Mourinho iyo kooxdiisa ugu xaqiijiyo guushii ugu horaysay ee Champions leaque ee xili ciyaareedkan waxayan ciyaartu noqotay 3-0 ay United ku dubanayso FC Basel.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Man United guul raaxo leh ku gaadhay isla markaana ay dhinac isakga dhigtay kooxda FC Basel. Man United ayaa muujisay sida ay meel fiican uga gaadhi karto Champions Leaque inkasta oo ay wali bilaw tahay.

Dhinaca Kale, Barcelona ayaa Camp Nou ku dubatay kooxda Juventus kulanka ugu horeeyay ee heerka Groupyada Champions Leaque. Lionel Messi ayaa Juventus ku burburiyay Camp Nou isaga oo laba gool dhaliyay isla markaana kooxda Max Allegri nooc kasta oo dhibaato ah ku abuuray. Messi ayaa sidoo kale ku lug lahaa goolka uu Ivan Rakitic uu kulankan ka dhaliyay.

Barcelona iyo Juventus ayaa qaybtii hore ee kulankan ku ciyaarayay qaab ciyaareed uu taxadar badani ka muuqday taas oo hoos u dhigtay xamaasadii kulankan laga filayay laakiin waxaa jiray fursado badan ay labada kooxood ku samaynayeen kubbado ay si farsamaysan oo isku xidhan ay weerar ugu abuurayeen.

DAQIIQADII 6 AAD Mattia De Scligio ayaa darbo layaableh kaga naxsaday goolhaye Marc-Andre Ter Stegen oo ku war helay kubbada gantaalka ahayd ee goolkiisa ku sii socotay laakiin goolhayaha ree Germany ayaa sameeyay badabaadin cajiib ah si uu kooxdiisa ga badbaadiyo darbo uu De Scligio ka soo tuuray meel 30 yards u jirtay goolka Barca, waxayna ahayd fursad aad u wayn.

DAQIIQADII 37 AAD Ousmane Dembele ayaa markiisa u muuqday in uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Barcelona kadib markii uu De Sciglio sameeyay qalad aad u xun wuxuuna da’yarka ree France kubbada ku hor helay goolka Juventus inkasta oo uu cadaadis ku hoos jiray balse darbada gaaban ee uu goolka ku doonayay ayaa bartilmaameedka seegtay.

DAQIIQADII 45 AAD Lionel Messi ayaa ugu danbayn jabiyay ismari waagii ciyaarta iyo gool la’aantii soo taagnayd qaybtii hore oo dhan kadib markii uu goolhaye Buffon kaga yaabsaday kubbad joog hoose ku darbeeyay isaga oo ka hor dhawr difaac Juventus ah soo jiiday waxaana kubbada soo bilaabay Dembele, waxaa door wayn ku sii lahaa Suarez halka Messi uu xirfada iyo dhamaystirka sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Barcelona ugu danbayn hogaanka kula wareegtay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysay balse Juventus ayaa samaysay dadaal aad u badan in ay Barcelona waqti badan u diidanayd in ay xataa abuurto fursadihii badnaa ee looga bartay.

DAQIIQADII 56 AAD Barcelona ayaa heshay goolkeeda labaad kadib markii uu Ivan Rakitic uu dhaliyay goolkan laakiin Lionel Messi ayaa difaaca Juventus ka soo xareeyay dhinaca bidix wuxuuna kubbada ku taabtay goolka Juventus laakiin waxaa kubbada xariiqda goolka ka soo ag celiyay Sturaro balse waxa uu kubbada u taabtay Rakitic oo markiiba kubbada shabaqa ku taabtay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 69 AAD Lionel Messi ayaa difaaca Juventus iyo Buffon ceebeeyay kadib markii uu sida uu doono uu ka yeelay isla markaana uu isla dhex maray kubbad cajiib ah oo uu Ineista meel fog ka soo siiyay, wuxuuna Messi dhaliyay goolka saddexaad ee Barca iyo waliba kan labaad ee uu kulankan ka dhaliyay isaga oo sabab u noqday in ay burburto rajadii yarayd ee ay Old Lady ka qabtay in ay ciyaarta ku soo laaban karto, waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Barcelona ku dubanayso Juventus.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0 ay Barcelona ku dubatay Juventus isla markaana ay ugaga aarasaday guuldaradii xili ciyaareedkii hore ay siddeed dhamadka Champions Leaque ku soo baday. Valverde ayaa sidii horyaalka La Liga oo kale guul muhiim ah ku furtay waayihiisa Champions Leaque ee Barcelona.

Dhinaca Kalana Tartanka xiisaha badan ee Champions Leaque ayaa ku bilawday qaab waali ah oo ay kooxihii kulamadii ugu horeeyay ciyaaray goolal badan iska dhaliyeen. Chelsea ayaa Stamford Bridge si xun ugu gumaaday kooxda markii ugu horaysay Champions Leaque ka soo muuqatay ee Qarabag laakiin kooxda sida wayn isha loogu hayo ee PSG ayaa xasuuqday kooxda ree Scotland ee Celtic iyada oo safka weerarka aduunka ugu qaalisan ee Neymar Jr, Kylian Mbappe iyo Cavani ay markii ugu horaysay Champions Leaque fariin cusub ku direen.

Chelsea ayaa 6-0 ku gumaaday Qarabag iyada oo saxiixyada cusub ee Davide Zappacosta iyo Tiemoue Bakayoko ay dhaliyeen goolashoodii ugu horeeyay ee Chelsea iyaga oo muujiyay sida ay muhiimka ugu yihiin kooxda Antonio Conte ee naxariis darada u muujisay Qarabag oo aan wax khibrad ah u lahayn UCL.

Kooxda sida wayn loo sugayay qaab ciyaareedka ay Yurub kaga bilaabto ee PSG ayaa ayaa 5-0 ku soo xasuuqday Celtic waxaana markii ay ciyaartu socotay 39 daqiiqo shabaqa soo wada taabtay Neymar oo goolasha bilaabay, Mbappe iyo waliba Cavani. Neymar (19) K. Mbappé (34) E. Cavani (40 rekoodhe) M. Lustig (83 iska dhalis) E. Cavani (85).