Arsenal Oo Dooneysa Inay Toni Kroos Kula Soo Wareegto 25 Milyan Euro.

0

Xiddiga qadka dhexe ka ciyaara Ee xulka Germany iyo kooxda Bayern Munich Toni Kroos ayaa lala xariirinaya inuu u soo dhaqaaqi doono Emirates hadii kooxdisa Bayern ay aqbasho lacagaha ay Arsenal ku soo dalbatay xiddigan.

Arsenal ayaa wajahi doonta tartan xoogan oo ay kala kulanto kooxaha waa weyn Ee Premier League ka ciyaara sida Chelsea, Manchester United iyo City oo dhaman wada doonaya xiddiga kooxda Bayern Munich Toni Kroos.

Toni Kroos ayaa lala xiriirinayay inuu isaga tagi doono kooxdisa Bavarian kadib markii uu boos joogta ah ka waayay kooxda, wuxuna go’onsaday inuusan ka sii hoos ciyaarin tababare Guardiola sido kale heshiiska xiddigan ayaa dhacaya 2015 bisha June.

Daily Mail ayaa sheegeysa in 24 jirkan uu kooxdisa weydiistay inay iibiyaan bishii January markaa oo uu suuqa furnaa balse kooxda ka dhisan Bundesliga Ee Bayern ay diideen inay ogolaadaan in xiddigan ka dhaqaaqo Allianz Arena.

Midaa ayaa sababtay in kooxaha waa weyn Ee EPL ay xiddigan soo dalbadan oo ay ka mid yihiin Man United, Man City iyo Chelsea iyadoo tababare Wenger uu si hoose u beegsanyo ciyaaryahankan khadka dhexe Ee u ciyaaara Bayern.

Arsene wenger ayaa doonaya kubad sameeyaha Bayern Munich inuu badal uga dhigo xiddigisa sii duqobaya Ee Rosicky sido kale wuxu doonaya inuu uga maarmo saxiixii fashilmay Ee Julian Drxaler uuna xagaaga la soo saxiixdo Toni Kroos.

Toni Kroos ayaa sanadkan maraya kiisi 6-aad inta uu joogay kooxdisa Bayern Munich isagoo doonaya inuu kooxda ka noqdo sida Philipp Lahm, Bastian Schweinsteiger iyo Franck Ribery sido kale qubarada ka faaloda kubadda cagta qaar ayaa sheegaya in xiddigan uusan ka tagi doonin Bayern Munich.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com