Shuruudo Lagu Xiray Macalinka Cusub Ee City.

0

Manuel-Pellegrini.-610x398London (AGGM): Ninka tababaraha u noqonaya Manchester City waxaa laga rabaa oo shuruud looga dhigay in mudo 5 sano ah  uu 5 koob ku keeno hadii kale shaqada uu weyn doono. City waxey bishaan burisay Roberto Mancini markii ay sheegtay inuu ku guuldareystay howshii laga rabay , booskiisa waxaa dhaxli doona Manuel Pellegrini.

“Shanta sano ee soo socota waxaan ka rabnaa 5 koob,” madaxa howl fulinta City Ferran Soriano ayaa sidaa u sheegay saxaafadda  Britian. ”Taasi micnaheedu waxey tahay in halkii sanaba aan hal koob ku guuleyso”.

“Hadii hal sano aysan dhicin in wax koob ah ay kooxdu ku guuleysan weyso waxaa qasab ah in aan semi-finals Champions League aan gaarno, kaalinta labaad aan Premier League ka galno isla markaana  aan final-ka FA Cup tagno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Mancini oo 3 sano bar la joogay City wuxuu mudo 35 sano markii ugu horeysay u qaaday FA Cup 2011. Sidoo kale 44 sano markii ugu horeysay wuxuu Premier League u qaaday City.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com