AKHRISO:- Bannaanbax ka socda Magaalada Nairobi & Ciidamada oo adeegsanaya Sunta dadka ka ilmeey siisa

0

Waxaa Maanta meelo kamid ah dalka Kenya ka billaawday Bannaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas Raila Odinga oo ka careeysan doorashadii looga guuleystay hoggaamiyahooda & qiimo kororka ku yimid maciishada noocyadeeda kala duwan ee dalkaasi Kenya.

Goobaha ay bannaanbaxyada ka socdaan ayaa waxaa kamid ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin Soomaali farabadan, waxaana uu saameeyay Ganacsigooda oo meelaha qaar xiran.

Dadka bannaanbaxa dhigaya ee ah taageerayaasha Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya ayaa taayaro ku gubaya waddooyinka, iyaga oo meelaha qaar dhagxaan kujaray, waxaana bannaanbaxyada ay noqdeen kuwo rabshado wata.

Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ayaa dhankooda bilaabay inay bannaanbaxayaasha u adeegsadaan Sunta dadka ka ilmeeysiisa, iyada oo Warabahinta Kenya qaarkeed ay Maanta siwyen u tebinayaan bannaanbaa.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa horay u iclaamiyay bannaanbaxa, waxaana laga cabsi qaba inay xoogeystaan oo ay isku bedelaan rabshado, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara nolosha dadka Shacabka ah.

Ciidamada Booliska Kenya ayaa xiray qaar kamid ah abaabulayaasha dibadbaxyada, waxaana dadka la xiray kamid ah; Hogaamiyaha aqlabiyada Senate-ka Stewart Madzayo, hogaamiyaha laga tirada badan yahay ee baarlamaanka qaranka Opiyo Wandayi iyo hal hogaamiye oo kale oo dumar ah.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa walaac ka muujinaya sii socoshada bannaanbaxyada, iyaga oo u baqaya in uu ka xirmo Ganacsigooda maadaama qaxooti ay ku yihiin halkaas.