AKHRISO:- Ciidanka Nabadsugida Jubbaland & kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah fuliyay

0

Ciidank Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee fadhigoodu yahay dagmada Dhooblay iyo ciidanka ATMIS ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanada Dhagax, Cali Bulay iyo Shabaax oo hoos taga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorshaysan isla markaana ka dhan ahaa Al Shabaab, kuwaasi oo qorshaynayay in ay weeraro ka geystaan deeganaadasi, ayaa waxa xogtooda helay ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee degmada Dhoobley.

Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ee degmada dhobley iyo kuwa ATMIS ayaa baaritaanno kala duwan ka sameeyay waddooyinka muhiimka ah iyo xaafadaha deegaanadaasi.

Taliyaha ciidanka nabad sugida dagmada Dhooblay Kabtan Cabdulaahi ibraahim Cadde oo howlgalkan hoggaaminayay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay hadda nabdoonyihiin dhammaan deeganadii ay howlgalka ka sameeyeen.