AKHRISO:- Xubno ka tirsan Kooxda PKK oo ku dhintay Shil Diyaaradeed

0

Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen Ciiddanka Gobalka Kurdistan ee dalka Iraq ugu qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada ee ayey ku sheegeen in Dagaalamayaal ka tirsan Xusbiga Shaqaalaha Kurdistan ee PKK ku dhinteen Diyaarad Helikobtar ah oo xalay ku burburtay Degmadda Chamanke ee Gobalka Duhok ee Waqooyiga dalka Iraq.

Qoraal ka soo baxay Ciiddanka Kurdistan CT ayaa lagu xusay in Diyaaradda Helikobtarka ee burburtay uu nooceedu ahaa Eurocopter AS350, ayna ku dhinteen dhowr Rakaab oo ka tirsanaa Kooxda Hubeysan ee PKK.

Dhanka kale, Kooxda PKK weli kama aysan hadlin Shilkaasi ay Dagaalamayaashooda ku dhinteen, balse, Wasaaradda Difaaca ee dalka Turkiye waxay si Degdeg ah u beenisay inay Ciiddankooda Cirka lahaayeen Diyaaradda Helikobtarka ee ku burburtay Deegaanka Chamanke ee Gobalka Duhok ee Waqooyiga dalka Iraq.

Chamanke waxay 15 KM u jirtaa buuraha Mount Gara, halkaasi oo ay Ciiddanka Turkiye muddadii uu socday hawlgalkii Turkiga ee Claw-Eagle 2 ku beegsadeen Dagaalamayaasha Kooxda PKK oo dagaal Gooni-goosad ah ka waday goballo ku yaalla K/Bari ee dalka Turkiye tan iyo sanadihii 1980-aadkii ilaa haatan.

In ka badan 500 oo Tuullo oo ku yaalla Gobalka Kurdistan ayaa laga wada qaxay muddadii uu socday Dagaalka u dhexeysa Milliteriga dalka Turkiye iyo Kooxda Hubeysan ee PKK.