Baydhabo (AGGM): Kumannaan qof ayaa maanta isugu soo baxay Garoonka Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo, isku soo baxaan ayaa lahaa wejiyo badan oo ay kamid ahaayeen baroordiiq Odaayashii lagu dilay duleedka Buur-hakaba, dilkii xaqdarada ahaa ee loo geystay Xasan Aadan Keerow iyo sidii cagta loo marin lahaa Baar-bakiin oo ah meesha uu isku doortay Shariif Xasan Walaalkiisa.
Dadweyne lagu qiyaasay 5000 kun ayaa kasoo qeybgalay dibadbaxaan, waxaa dadweyniha la hadlay Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hadaba inta ay socdeen Khudbadaha ayaa waxaa goobta soo gaaray Taliyaha Booliska Gobolka Baay Korneyl Mahad C/raxmaan oo isagana kamid ahaa Mas’uuliyiinta la hadlay Dadweynaha.
Korneyl Mahad C/raxmaan ayaa marka hore dadweynaha ka codsaday inay is dejiyaan, wuxuuna Madaxdooda Koonfur Galbeed ka codsaday inay siiyaan 24 saacadood uu magaalada kaga saarayo Shariif Xasan Walaalkiisa.
Madaxda Koonfur Galbeed ayaa iyagana ka codsaday dadweynaha in la aqbalo Codsiga Korneyl Mahad C/raxmaan oo jawaabta kamadanbeysta ah laga sugayo maalinta beri ah.
Source: Isha Baydhaba
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com