Dagaal Xoogan ayaa ka socda Deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan kaasi oo udhaxeeyo Ciidamada Dowlada oo kaashanayo dadka deegaanka iyo Al-shabaab.
Sida wararku sheegayaan, Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeyn Saldhiga Ciidamada isbaheyaanaya ay ku leeyihiin deegaanka Yasooman.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in mararka qaar la maqlayo qaraxyo culus, iyadoo labada dhinac ay gurmadyo kala duwan soo gaarayaan.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoo cabsi xooggan ay soo wajahday dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamay, waxaana wali la maqlayaa hubka culus ee la is weydaarsanayo, dagaalka wuxuu haatan socdaa waxa kudhow saacad.
Kooxda Shabaab oo war ka soo saartay dagaalka ayaa sheegatay iney la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Yasooman, majiro ilo kooxda ka madax banaan oo xaqiijiyay sheegashadooda, iyadoo dowladda wali aysan wax war ah ka soo saarin.
Si kastaba, Deegaanka Yasooman waxaa dhawaan dib ugu laabtay ciidamadda dowladda iyo Maleeshiyaadka deegaanka ee Macwiisleyda, weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii Shabaab lagu laayay deegaan hoostaga isla Buula’burde oo gobolka Hiiraan ah.