Dhageyso: Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Dil Iyo Dhac Ka Wada Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa lagu eedeeyay dhac iyo dilal ka geysteen
gudaha magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah Odayaasha Kismaayo oo wareysi saakay siinayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, ay dhac, dil iyo booba ka wadaan magaalada Kismaayo.

Maleeshiyada Raaskambooni ayaa waxaa ku cad inay dileen Ganacsade lagu magacaabo Maxamed C/kariin Cusmaan, kadibna ay dhaceen lacag uu lahaa oo tiradeeda lagu sheegay 18,000$.

Waxgaradka Kismaayo, ayaa DF ugu baaqay ineey si deg deg ah usoo fara galiso arintaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com