DHAGEYSO:-Dowladda Somalia Oo Dekadda Muqdisho Ka Bilowday Baarista Coronavirus

0

Wasaaradda dekadaha, Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Dekadda weyn ee Muqdisho ayaa iska kaashaday siddii looga hor-tagi lahaa  Cudurka Coronavirus oo dhibaato weyn ku haya Caalamka.

Shaqaallaha Badmaaxiinta ee la socda Maraakiibta kusoo xirata Dekedda Muqdisho, ayaa la bilaabay in laga baaro Cudurka Coronavirus, si loo hubiyo Caafimaadka Badmaaxiinta inta aysan gudaha dekedda u soo gudbin.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore dhaqaatiir Caafimaad geeysay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo baaritaano kala duwan ku sameeya dadka kasoo degaya Garoonka ee ka yimaada Caalamka, si looga hortego Cudurka Coronavirus.

Cudurka Coronavirus ayaa dhibaatooyin badan ku haaya dalal ka tirsan Caalamka, waxaana u geeriyooday Cudurkaas boqolaal dad ah, halka uu soo ritay kumanaan ruux.